Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Shirka Wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee Dib u Heshiisiinta oo ka furmay...

SAWIRRO:-Shirka Wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee Dib u Heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho

0

Shirka wadatashiga Diyaarinta  Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran ee loo qabtay hayaddaha kala duwan ee dowladda ayaa kafurmay magaalada Muqdisho .

Shirkaan ayaa loo qabtay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda si ay fikirkooda ugu daraan hanaanka diyaarinta dib u hishisiinta qaran oo ay  diyaarineyso wasaaradda arimaha gudaha.

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay shirka waxaa uu tilmaamay  in muhiimada shirkaani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.

Ismaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga Dib u hishiisiinta Qaranka oo shirka kahadlay ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda arimaha gudaha iyo labada gole ee baarlamaanka ay ugudbiyeen gudigooda qorshaha ay kula ay uga qayb galayaan Diyaarinta  Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran oo ay wado wasaaradda arimaha gudaha.

The post SAWIRRO:-Shirka Wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee Dib u Heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho appeared first on Allgalgaduud.Com.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here