Home Wararka Maanta Somaaliya oo laga balan qaaday hormarinta Isgaarsinta

Somaaliya oo laga balan qaaday hormarinta Isgaarsinta

0

Mudane Jaasim Bin Sayf Al-Suleyti Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Qadar oo maanta la kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay hormarinta isgaarsiinta Soomaaliya.

Kulankaan gaarka ahaa waxa uu Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Baahida isgaarsiineed ee Soomaaliya ka jirta, sida ay u baahan yihiin looga gacan siiyo iyo sidii loo hormarin lahaa.

Wasiir Jaasim ayaa ballanqaaday in uu xoojin doonin sidii Soomaaliya ay ugu gacansiin lahaayeen hormarinta Isgaarsiinta.

Jaasim Bin Sayf ayaa sheegay in dhankiisa uu ku dadaalayo Xoojinta Xiriirka Soomaaliya, gaar ahaan in uu ka qeyb qaato hormarka wixii Wasaaradiisa ka quseeya.

Kulankaan ayaa kamid ahaa Kulamo uu Madaxwyne Farmaajo la qaatay Madaxda Wadanka Qadar, waxa uuna dhammaan dhinacyadii uu la kulmay u bandhigayay waxyaabaha Soomaaliya ay tiigsaneyso, Isbadalada Dowladda ay sameysay iyo in laga taageero inta dhiman.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here