Home Wararka Maanta Danjire Michael Keating” Puntland iyo Somaliland Dagaalka Hajoojiyaan’

Danjire Michael Keating” Puntland iyo Somaliland Dagaalka Hajoojiyaan’

0

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating, ayaa ugu baaqay maamullada Somaliland iyo Puntland.

Waxaa uu ka codsaday in ay joojiyaan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool,halkaas oo ay Ciidamada labada dhinac ku dgaallameen shalay ilaa xalay.

Michael Keating,ayaa sheegay in dagaalka aanu u wanaagsaneyn labada maamul waxaana uu ugu baaqay in ay wadahadl ku dhameeyaan heshiis siyaasadeedna ka gaaraan khilaafka dhinaca dhulka ah ee labada maamul u dhaxeeya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu horay ugu baaqay labada maamul in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana ilaaliyaan nabadda degaanka.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here