Home Wararka Maanta AKHRISO:- Guddiga Fatahaada Gobalka Gedo oo lacag lagu wareejiyay

AKHRISO:- Guddiga Fatahaada Gobalka Gedo oo lacag lagu wareejiyay

0

Deeqdaan lagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Baardheere ayaa gudoomay lacag kaga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddigaan Maxamed Muxumad Aadan oo dhanka kalana ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa guddoomay lacag gaareysa $100 kun oo Doolar oo guud ahaan Dadka Gobolka kunool la gaarsiinayo.

$25 Kun oo Doolar kamid ah Lacagtaasi waxaa loogu talagalay Dadka Barakacayaasha ah, isagoona Ballanqaaday in ay u qeybin doonaan dadka u baahan Gurmadkaasi.

Gudoomiye Maxamed ayaa sheegay in Maalmaha soo socda ay filayaan in ay Gaaraan Gurmad Gedo lagu geynayo Diyaarado oo isugu jiro Cunto, Teendhooyin, Maro-Kaneecooyin Maacuun iyo Baco.

Dadka deeqdaan la gaarsiinayo ayaa isugu jira Beeraley iyo Xoolo dhaqato Saameyn ku yeeshay Abaar, Fatahaad Wabiga Jubba uu ku sameeyay iyo Daadad kasoo rogmay roobabkii halkaa ka da’ay.

Xubno ka socda Guddiga Gurmadka Fatahaada ayaa horay u tagay Magaalooyinka Gedo ee uu wabiga ku fatahay, waxa ayna qiimeyn ku sameeyeen Xaaladda Dadka Barakacay iyo Fatahaadda inta ay la egtahay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here