Home Wararka Maanta AKHRISO:- Biriq xalay dad ku dishay degaanka Qoryooley

AKHRISO:- Biriq xalay dad ku dishay degaanka Qoryooley

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Farxaane oo hoos taga Magaalada Qoryooley ayaa sheegaya in Biriq xalay ku dhacday Deegaankaasi ay dishay qof kamid ah dadka Deegaanka.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa Allgaladuud u sheegay in Roob Xooggan uu Magaalada ka da’ay, kadibna ay maqleen Dhawaqa Gugaca.

Wiilka ay Dishay Biriqda ayaa lagu sheegay in uu jiray 15-sano, xiligii ay ku dhaceysayna uu la socday Lo’ ay leeyihiin Waalidkiisa.

Dadka Deegaanka ayaa tagay Goobta, iyagoona kasoo qaaday Wiilka Geeriyooday, waxaana kolkii dambe qayooday (Joogsaday) Roobkii oo Muddo Deegaanka ka da’ayay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here