Home Wararka Maanta AKHRISO:- Waddamadda Islaamka oo sheegay in Khamiista ay tahay Bisha Ramadaan

AKHRISO:- Waddamadda Islaamka oo sheegay in Khamiista ay tahay Bisha Ramadaan

0

Waxaa Caawa oo idil la raadinayay Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo Maanta aheyd 29-ka Shacbaan sanadka 1439 Hijriyada.

Mana jirto Meel kamid ah Soomaaliya ama Wadamada Islaamka oo laga soo sheegay Cid aragtay Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, sidaa awgeedna Berri la buuxinayo 30-Bisha Shacbaan.

Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Maleysia, Indonesia, Qadar, Kuwait iyo Dalal kale ayaa ku dhawaaqay in Bilawga Bisha Ramadaan ay ku beegan tahay Khamiista oo ah 17-ka bisha May, kadib markii la waayay Meel laga arkay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here