Home Wararka Maanta Xildhibaan Abuukaate “Madaxweynaha waa inuu si degdeg u soo fara geliyaa khilaafka...

Xildhibaan Abuukaate “Madaxweynaha waa inuu si degdeg u soo fara geliyaa khilaafka Hey’addaha Sharci dejinta & Fulinta”

0

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu si degdeg ah u soo farageliyo khilaafka u dhaxeeya Hey’addaha sharci dejinta iyo Fulinta, isla markaana caddeeyo mowqifkiisa halka uu jiro.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay in Madaxweynaha uu yahay ninka u dhaxeeya Hey’addaha Sharci dejinta, Garsoorka iyo laanta Fulinta, isla markaana qodobka 90aad ee Dastuurka uu siinayo awoodo dheeraad ah.

“Dalkaan Madaxweynaha ayaa u sareeyo, qodobka 90aad ee dastuurka awoodo dheeri ah ayuu siinayaa waa qofka u dhaxeeya Hey’addaha sharci dejinta, garsoorka iyo Fulinta, waxaa la rabaa inuu khilaafka soo farageliyo sida ugu dhaqsiyaha badan u xaliyo, ma ahan in uusan ka aamusin, tallaabo degdeg ah uu qaadaa, si arrintan loo xaliyo, haddii uu qeyb ka yahayna waa soo baxeya, hadii uusan qeyb ka aheyn waa la arki doonaa”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

Waxaa uu sheegay in haddii ay meesha ka baxdo laanta sharci dejinta ay dalkaan wax badan ka halaabayaan, isagoo xusay in waxa loo socdo aanu Jawaari kaliya aheyn, balse la rabo in la burburiyo Baarlamaanka.

“Jawaari waa shaqsi, xil waa laga qaadi karaa, waana loo dooran karaa, laakiin in laga dhigto wadadii Baarlamaanka lagu burburin lahaa, taas ayaa diidan nahay”ayuu yiri Xildhibaanka.

Khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareeray, waxaana ay saameyn ku yeesheen howlihii dowladda, iyadoo magaalada Muqdisho ay hareeyeen shirar siyaasadeed iska soo horjeeda oo ay kala wadaan labada dhinac ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here