Home Wararka Maanta Wasaarada Amniga Oo Digniin u Dirtay Ganacsatada Muqdisho

Wasaarada Amniga Oo Digniin u Dirtay Ganacsatada Muqdisho

0

Cabdicasiis Cali ibraahim Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Hay’adaha amniga ay ka warqabaan Ganacsato uu sheegay in  Al-shabaab ay lacago siiyaan.

Xildhibaan waxa uu sheegay Ganacsatadda garoomada Muqdisho aysan xiri Karin Garoomadda ay leeyihiin, islamarkaana cidii qaadata amarka Al-Shabaab in laga qaadi doono tilaabo.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya  ayaa sheegay in wasaaradda ay gacanta ku hayso Liiska Ganacsato Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Xarakadda Al-Shabaab.

C/casiis Xildhibaan ayaa dhanka kale sheegay in wasaaradda amniga ay sharciga la tiigsan doonto idaacaddo uu sheegay in ay baahiyaan warar been abuur ah, cidii lasoo dacwayanaay la maxkamadeyn doono.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here