Home Wararka Maanta Wasiiro ka tirsan Puntland Oo Booqday Dekedda Boosaaso

Wasiiro ka tirsan Puntland Oo Booqday Dekedda Boosaaso

0

Wasiirka amniga maamul goboleedka puntland Axmed Cabdulaahi Yuusug iyo wasiirka dekedaha ee maamulkaasi saciid Maxamed Raage oo ay wehlinayeen Maamulka boosaaso ayaa booqday dekeda magaaladaasi oo howlo dhismo ah laga wado.

Wasiirada ayaa kormeeray dhismaha dekedda macmalka ah ee boosaaso iyo badqabka hantida saaranayd doonida xafiis taasoo muddo Ku siman 8 Casho halkaasi Ku hoyatay,iyagoo bogaadiyey qaabka xilkasnimada leh ee ay howsha u socoto.

Wasiirka amniga oo warbaahinta LA hadlay ayaa bulshada boosaaso ugu baaqay in ay LA shaqeeyaan maamulka magaaladaasi,waxan uu soo hadal qaaday falal amni daro oo maalmihii ugu danbeeyey ka dhacayey boosaaso,isagoo xusay in dhacdooyinkaas ay kala siman yihiin dunida,waxana uu intaasi Ku daray in ay Ku dadaalayaan xaqiijinta amniga gayiga puntland.

Wasiirka dekeddaha ee maamulkaasi Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa isaguna Ku baaqay in LA dar dar galiyo howlaha dhismaha dekedda ka xiriira oo iminka Ku dhaw heer gabo gabo ah.

 

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here