Home Wararka Maanta MD Farmaajo oo gaaray Degaanka Waciye

MD Farmaajo oo gaaray Degaanka Waciye

0

Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u safray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolak Bari, isagoo ka amba baxay magaalada Qardho oo ay xalay ku hoydeen.

Safarka Madaxweynaha oo ah mid dhanka lugta ah waxaa ku weliya madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wuxuu booqday madaxweynuhu degaan lagu magacaabo Waaciye oo ka tirsan Gobolka Bari, halkaasi oo siweyn logu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degaankaasi, isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen.

Wuxuu madaxweynuhu dhageystay warbixin ku saabsan nolosha bulshada ku dhaqan deegaankaasi, inta uu safarkiisa dhanka dhulka ah uu ku jirana madaxweynuhu wuxuu la kulmayaa qeybaha bulshada ee ku nool degaanada ku yaala inta u dhexeysa magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Dhinaca kale Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa siweyn lo adkeeyey, iyadoo ay socdaan dhaq dhaqaaqyo iyo diyaar garow ballaaran oo ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, waxaana qeybo ka mid ah magaaladaasi lagu dhejiyay boorar ay ku xardhan yihiin sawirka madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here