Wednesday, June 20, 2018
Home Wararka Maanta Dhalinyaro Somali ah oo laga sii daayay xabsi ku yaal dalka India

Dhalinyaro Somali ah oo laga sii daayay xabsi ku yaal dalka India

0
15 Dhalinyaro Soomaliyeed oo loo haystay dambi Burcad Badeednimo oo loo qabtay January sanadkii 2011 ayaa laga sii daayay xabsi ay ku xirnaayeen oo ku yaala dalka India.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiga ku yaala India ayaa waxa ay dhameysteen muddo lagu xukumay oo aheyd 7-sano oo xabsi ah.

Sanad ka hor ayaa qareeno waxa ay u qaadeen racfaan ahaa in laga sii daayo xabsiga lagana cafiyo mudada u dhiman,balse maxkamd ku taala dalkaasi India ayaa amartay in ay dhameystaan mudada uga harsaneyd xabsiga.

15-ka dhalinyaro ee Soomaalida ah lagana sii daayay xabsiga india ayaa wali ku sugan dalkaasi gaar ahaan koonfurta magaalada Mombai , meel u dhaw xarun Boolis iyagoona sugaya sida la sheegay 27- kale oo xabsigooda ka harsan tahay maalmo kooban kadib ayaana la sheegay in lagu wareejin doono safaarada Somaliya ee dalka India si Somaliya dib loogu soo celiyo.

23 -bisha labaad ee sanadkaan ayaa sidoo kale la filayaa in sidoo kale lasoo celiyo dhalinyaro kale oo wadankaas india ku xiran xabsiyo ku yaala.

Dhalinyaradaan laga soo daynaayo xabsiyada ku yaala wadanka India ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo laga sii daayo xabsiyada wadankaasi.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here