Home Wararka Maanta Al Shabaab oo dad ka afduubtay Baardheere

Al Shabaab oo dad ka afduubtay Baardheere

0

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay Afduub ka geysteen degmada Baardheere ee Gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in Al Shabaab halkaasi ay ka Afduubteen Illaa 3 gaari oo siday qalab dhismo iyo dadkii la socday, kuwaas oo la sheegay in ay ka shaqeynayeen dhismaha Garoon ku yaalla magaaladaasi Baardheere.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Al Shabaab dadkaasi ay u ka xeysteen dhanka deegaanka Shangolo oo u dhow degmada Baardheere ee G/ Gedo.

Illaa iyo hada ma jiro wax faah faahin ah oo uu Maamulka Gobolkaasi Gedo ka bixiyay Afduubkaasi.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here