Home Wararka Maanta RW Kheyre oo sheegay in xoojinayo Taliska NISA

RW Kheyre oo sheegay in xoojinayo Taliska NISA

0

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaaca ka qaaday in la xoojinaayo shaqada ay qabtaan ciidanka Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Khayre ayaa sheegay sanadkaan 2018-ka in Miisaaniyada loo kordhiyay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ,islamarkaana lagu daray qarash dheeri ah oo ku saabsan shaqada ay qabato NISA.

Wuxuu sheegay Xukuumadda Sooamaliya inay ka go’an tahay sare u qaadida shaqada Nabad Suggida  si loo qabto shaqooyin muhiim u ah dalka.6

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya xalay ka jeediyay munaasabada 48-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka NISA.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here