Home Wararka Maanta FAAH FAAHIN: Dagaal ka dhacay Mahadaay

FAAH FAAHIN: Dagaal ka dhacay Mahadaay

0

askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku geeriyootay iska horimaad ka dhacay Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Iska horimaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka wada tirsan Militariga Somaliya ay ku dagaalameen lacag laga qaaday ganacsatada qaadka gaysa Magaaladaasi.

Ciidanka ayaa ku heshiin waayay qaabka ay u qaybsanayaan lacagta laga qaaday ganacsatada qaadka, waxaana taasi ay keentay in ciidamada dhexdooda ay dagaalamaan.

Wararka waxa ay sheegayaan saddex askari inay halkaasi ku geeriyootay, sidoo kalena ay jiraan khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray ciidamada.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ku baxay arintaan, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay xireen qaar ka mid ah ciidamadii dagaalamay.

Iska horimaadka ka dhacay Magaalada Mahadaay ayaa wuxuu saameeyay Suuqa jaadka Magaalada Mahadaay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here