Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baladweyne

Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baladweyne

0

Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Shabaab, ayaa waxa uu dagaal culus ku dhexmaray duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ciidamada Itoobiya oo ka yimid dhanka Magaalada Feerfeer.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo Shabaab uu dhexmaray dagaalkaasi culus oo khasaare uu ka dhashay, inkastoo Saraakiisha dowladda aysan shaacin inta uu la eeg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Sarkaal ku sugan Magaalada Baledweyne, ayaa wuxuu sheegay Shabaab in askar looga dilay dagaalkaasi ka dhacay duleedka Degmada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Shabaab ayaa ciidamadan ku weeraray qaab evantari ah, iyadoo la og yahay in ciidamada Itoobiya qaab lug ah ay ku socdaan, xilliyada ay ay isaga kala gudbayaan Magaalooyinka.

Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay dagaalkaasi inay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya oo u socday fariisin ciidankooda ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Baledweyne.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here