Home Wararka Maanta Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Shil gaari oo khasaaro geystay ayaa Barqanimadii maanta ka dhacay Nawaaxiga Kuliyadda Jaale Siyaad Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu Fariin goostay Gaari nuuca qaada xamuulka, kaas oo jiiray Nin watay Mooto Nuuca looyaqaano Vekonta., kuna geeriyooday shilkaasi.

Sidoo kale waxa Shilkan ku dhaawacmay Nin kale oo goobta ku sugnaa, kaas oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabellle ayaa sheegay in goobta uu Shilku ka dhacay ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen wadihii gaarigaasi.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here