Home Wararka Maanta Uganda oo bilaawday in ay Ciidamo ka saarto Somalia

Uganda oo bilaawday in ay Ciidamo ka saarto Somalia

0

Dowladda Uganda ayaa bilaawday in ay ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay kala baxdo Dalka Soomaaliya.

Richard Karemire oo ah Afhayeenka Ciidamada Dowladda Uganda ayaa waxuu sheegay in Xukuumadda Kampala ay la baxeyso 281 Askari.

Waxaa uu tilmaamay in ujeedka Ciidamadan looga saarayo Soomaaliya ay tahay go’aan ay sida wadajir ah u gaareen Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Dhawaan ayee aheyd Madaxa howlgalka AMISO, Francisco Madeira uu ku dhawaaqay in dhamaadka bishan Dalka Soomaaliya laga saari doono Ciidamo ka mid ah howlgalka AMISOM.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here