Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Afgooye

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Afgooye

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Xalay howlgallo ballaaran ka sameeyeen qeybo ka mid ah Degmadaasi Afgooye.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee Afgooye ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo Ammaanka Degmadaasi.

Waxaana ay tilmaameen saraakiishu in baaritaanadaasi lagu soo qab qabay Rag looga shakisanyahay falalka Ammaan dari ee ka dhaca Magaaladaasi.

Shalay ayey ahayd markii Nabadoon Caan ahaa lagu dhaawacay Degmada Afgooye, iyagoona Raggii ka dambeeyay dhaawaciisa ay goobta isaga baxsadeen.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here