Home Wararka Maanta AKHRISO: Howlgalka AMISOM oo wajahaya AGAB la’aan

AKHRISO: Howlgalka AMISOM oo wajahaya AGAB la’aan

0

Taliska AMISOM ayaa waxuu sheegay in howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya uu wajahayo agab la’aan.

Danjiraha Ururka Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Fransisco Madeira ayaa waxuu sheegay in howlgalka uusan sii socon Karin hadii aan la helin agab ku filan.

Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamo dhawaan laga dhimi doono howlgalka AMISOM, taasna ay u dheer tahay baahi loo qabo agab dheeraad ah uu helo howlgalka AMISOM.

Hadalka Danjiraha Midowga Afrika ayaa u muuqda midka hakad gelinaya howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa haatanba waxa ay wadaan howlgallo kala duwan oo lagu beegsanayo Xubno ka mid ah Al Shabaab.

agab

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here