Home Wararka Maanta Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Afgooye

Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Afgooye

0

Waxaa sii xoogeysanaya Amni xumida ka jirta Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoona inta badan falal liddi ku ah Ammaanka ay ka dhacaan Degmadaasi.

Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay gudaha Afgooye ku dhaawacay Nabadoon Ibraahim Tabliiq oo ka mid ah waxgaradka Degmadaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in goobta ay isaga baxsadeen Raggii ka dmabeeyay dhaawaca Nabadoonkaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda wax tallaabo Muuqda ah oo ay qaadeen Maamulka iyo saraakiisha Ciidamada oo ku aadan xaqiijinta Amniga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale dagaalayahannada Al Shabaab ayaa ku sugan Nawaaxiga Degmadaasi, kuwaas oo weeraro joogta ah ku soo qaada fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo xarumaha Maamulka, iyagoona dhowr jeer Askar ku dilay halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Aminga ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Maxamed oo horay ula hadlay Idaacadda Shabelle waxa uu sheegay in Ammaanka Afgooye aysan ku filneyn Ciidamada haatan ka howlgala, loona baahan yahay kuwa dheeraad ah, si loo xaqiijiyo Ammaanka Degmadaasi.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah goobaha ay ku xoogan yihiin Al Shabaab, oo inta badan gacanta ku haya deegaanada Gobolkaasi.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here