Home Wararka Maanta Muwaadiin Soomaaliyeed oo dib loogu soo celinayo dalkooda

Muwaadiin Soomaaliyeed oo dib loogu soo celinayo dalkooda

0

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay wajahaan dhibaatooyin dhanka nolosha Dalka Mareykanka.

Ilaa 5 Ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ku sugan Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa waxaa la qorshenayaa in dib loogu soo celiyo Dalkooda hooyo.

Abuukateyaasha dhanka qaxootiga Mareykanka ayaa sheegeen ay haatan wadaan dadaallo ay ku hakinayaan dib u celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed.

Abuukaatayaasha u doodaya raggan Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in waraaqo cabasho ah u gudbiyeen Maxkamada Gobolka Minnesota.

Maxamed Adan, Yonis Ali, Abdoulmalik Ramadan Ibrahim, Abdihakim Mohamed iyo Abubakar Sheikh ayaa Mareykanka waxuu doonayaan in uu dib u soo celiyo.

Xeer ilaaliye dhanka socdaalka ee Dalka Mareykanka, John Bruning ayaa waxuu sheegay in rajo wanaagsan ay haatan muujinayaan, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii loo hakin la haa qorshaha dib loogu celiyo Muwaadiniintan Soomaaliyeed.

Mareykanka dhawaan Soomaali badan dib ugu soo celiyay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood ay ahaayeen maxaabiis ku sugnaa halkaasi.

Ugu dambeyn, Qaxootiga ku sugan Dalka Mareykanka ayaa wajahaya dhibaatooyin kala duwan, tan iyo markii talada Dalkaasi uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here