Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madax ka socota Mareykanka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madax ka socota Mareykanka

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Madax ka socota Mareykanka Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay Ku simaha Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Midowga Afrika ee Mareykanka, Don Yamamoto.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha la kulmay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa (AFRICOM) General Thomas Waldhauser.

Waxaa ay ka wada hadleen sida la sheegay arimo ku saabsan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe u muuqday in uu kordhiyay weerarada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo Xubnaha ku jira Xarakada Al Shabaab

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here