Home Wararka Maanta FAAH FAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho

FAAH FAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya xarunta Villa Baydhabo ee ciidanka Xoogga dalka Somaliyed, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhex dhacay qarax.

Qaraxan ayaa wuxuu ahaa mid lagu soo xiray gaari uu leeyahay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliyed, kaasi oo gaarigiisa ku dhex qarxay xarunta Villa Baydhabo.

 

Gaadiidka yar yar ee ay leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, badanaa lama baaro, waana mida sababtay qaraxan oo gaari ku dhagan inuu dhexgalo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi gaari ee ka dhex dhacay Xarunta Villa Baydhabo oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyo.

 

Qaraxan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ammaankeeda si wayn loo adkeeyay, wadooyinka Magaaladana ciidamo badan la soo dhigay oo intooda badan la xiray.

Gaadiidka yar yar ee Saraakiisha dowladda ay wataan ayaa inta badan waxaa loogu xiraa qaraxyada nooca loo yaqaan dhajiska ee Shabaab ay gaadiidka ku dhajiyaan. 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here