Home Wararka Maanta DEG DEG: Wasiirka Difaaca Somalia oo sheegay in khasaaro la gaarsiiyay Al...

DEG DEG: Wasiirka Difaaca Somalia oo sheegay in khasaaro la gaarsiiyay Al Shabab

0

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa waxu sheegay dharbaaxo kulul lagu dhugtay Xarakada Al Shabaab.

Wasiir Mursal ayaa tilmaamay in Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab uu khasaaro lixaad leh ka soo gaaray Weerar ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose.

Waxaa uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM ay iska caabiyeen Weerarkii Al Shabaab.

Balse, Wasiirka ma uusan cayimin halka uu la egyahay khasaaraha weerarkaasi lagu gaarsiiyay Xarakada Al Shabaab.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here