Home Wararka Maanta Saraakiisha Gobolka Gedo: Al Shabaab ma soo gelin Degaanada Gobolka Gedo

Saraakiisha Gobolka Gedo: Al Shabaab ma soo gelin Degaanada Gobolka Gedo

0

Xili Saacadihii la soo dhaafay Wararka ay tilmaamayeen in Boqolaal ka tirsan dagaalyahannada Al Shabaab ay gaareen Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa arrintaasi beeniyay Taliyaha Booliiska ee Gobolkaasi.

Maxamuud Cali Axmed Oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa been abuur ku tilmaamay in Al Shabaab ay gaareen Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, halkaasna ay ka wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan, waxaana uu intaasi raaciyay in aysan jirin Diyaarado Dagaal oo jawi hoose ku socda oo lagu arkay Hawada Gobolkaasi Gedo.

Sidoo kale taliyaha ayaa hoosta ka xaqriiqay in sidoodii ay u socdaan Howlgallada Ciidamada Dowladda ay ka wadaan Gedo, isagoona xusay in haatan xooga ay saari doonaan, sidii Al Shabaab looga saari lahaa Gobolkaasi.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here