Home Wararka Maanta Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Sameeyay Magaalada Gaalkacyo

Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Ka Sameeyay Magaalada Gaalkacyo

0

Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalladan oo u muuqday kuwa qorsheysan ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Garsoor iyo Israac ee Magaaladaasi Gaalkacyo.

Saraakiisha ciidamada Booliska ee Puntland ayaa sheegay in howlgalladaasi ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaank, si looga hortago kooxo Habeenkii Dhac ka geysta Magaaladaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray cabasho xoogan oo ay dadweynaha ka muujinayeen Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here