Home Wararka Maanta DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qaraxan oo ka dhacay waxyaabo qarxa oo lagu soo xiray Gaari nuuca raaxada ayaa waxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Gaariga uu ku qarxay inta u dhaxeysa Warta-siigaale iyo xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Weli lama shaacin shaqsiga watay gaarigan lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.

Dhaawaca ninkii watay Gaariga ayaa lagu soo waramayaa in loola cararay goobaha caafimaadka, si xaaladiisa caafimaad halkaasi loogu soo dabiibo.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadoo ciidanka dowladda ay ku jiraan feejignaan aad u sareysa.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here