Home Wararka Maanta Kulanka caawa dhex maray Farmaajo iyo Saraakiisha Ciidamada+SAWIRO

Kulanka caawa dhex maray Farmaajo iyo Saraakiisha Ciidamada+SAWIRO

1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa caawa shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo diiradda lagu saaray ammaanka dalka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Kulankan oo Saxaafadda ay dibadjoog ka ahayd, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), Wasiirka Warfaafinta Somaliya oo kulanka ka dib u waramay Warbaahinta, ayaa sheegay in kulankani uu yahay noociisii labaad ee Golaha Ammaanka Qaranku uu yeesho, isla-markaana uu shir guddoomiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka, ayaa waxa uu cadeeyay in Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyadu ay isu waafaqeen in si wadajira loola dagaalamo ururka mayalka adag ee Al Shabaab.

Wasiir Yariisow, ayaa soo hadalqaaday in kulankii caawa lagu ansixiyay qorshaha difaaca qaranka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay guddiga isku dhafka ee ciidamada qalabka sida, oo ka kooban xubno ka kala socda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhabarka ka riixaya gulufka la qorsheynayo in lagu qaado mintidiinta Shabaabka, iyadoo looga jawaabayo qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee 14-kii bishii hore ee October ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan, ayaa barbar socda Shirka Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada maalmahaanba uga soconayay Qasriga Madaxtooyada.

1 COMMENT

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here